Ethiopian Aggression in Mogadishu, Somalia.  The Ethiopian Army entered in 
Masjid al Hidaaya and massacred more than 40 Tulabas Students inside the Masjid 
and its surrounding.  All these students are from Jaamal Tabligh.
   
  The Muslim world is silent and now the Ethiopian the enemy of Islam have 
dared to enter the masjid and kill the innocent students.
   
  This cannot be tolerated where are the Somalis and where are the Arabs and 
where are the Muslims??????
   
  Labbayk Ya Mahdi
   
   
   
   
   
   
  Ciidamo Ethiopian ah oo arday ka kexeeystay Masjidka Al Hidaaya iyo 
Meeydadkii dadkii rayidka ahaa ee ay shalay toogteen Ethiopi
  Submitted by wararka on Mon, 04/21/2008 - 11:35.         


  Muqdisho. 21. April .2008. (Sh.M.Network)- Ciidamada Ethiopia ayaa Maanta 
masaajidka Al Hidaaya oo ay shalay gacanta ku dhigeen ayaa sida wararka lagu 
helayo waxaa ay ka kexeeysteen 41 Arday oo wax ka baranayay iskuul ku dhex 
yaalay Masjidkaasi.
   
  Dad Goob Joogayaal ayaa sheegay in meeydadka Dad ka badan 20 qofood laga 
helay Masjidka AL Hidaaya iyo Deegaano kale oo ku hareereeysan Degaanka Waxar 
Cadde kuwasi oo ay shalay dileen Ciidamada Ethiopia iyagoo ka kexeeysatay 
Masjidka Arday Gaareeysa 40 ruux oo wax kabaran jiray Madarasad Ku dhex taalay 
Masjidka AL Hidaaya oo culuunta Ismaaka Lagu baran jiray ee degaanka Waxar 
Cadde.
   
  Ardayda ayaa waxaa loo watay dhanka Warshadii hore ee Baastada oo fariisin u 
ah Ciidamada Ethiopia qaarkood.
  Mid ka Mid ah Ardaydii iyo Jameeco Tabiiq ah ee ay Ciidamada Ethiopianka 
qabteen isla markaana sii daayeen ayaa Warbaahinta Shabelle uga Waramay qaabka 
loo qabtay iyo weliba sida loo sii daayay waxaa u sheegay in 10 ka mid ah 
Jameecada Tabliiqa ah ay dileen Ciidamada Ethiopianka iyagiina lagu sheegay in 
ay yar yar yihiin isla markaan lagu war galiyay in aysan ku laaban arimaha ay 
ku jireen ee ahaa Barashada Culuunta Islaamka.
   
  Dad isgu soo baxay Deegaanka Waxar Cadde kadib markii ay isaga Bexeen 
Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay ku mashquul san yihiin Aasida Meeydadka Dadkii 
ay dileen Ciidamada Ethiopia.
   
  Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay iskugu soo uruureen Isgooyska SOS iyo 
Warshadii hore ee Baastada kuwasi oo mararka qaar ridaya Rasaas Teel Teel ah oo 
ay la eeganayaan Dadka rayidka ah ee ka Cararaya Deegaanaadasi.
  In kastoo ay xaalada Deegaanadaasi degen tahay hadana waxaa isa soo taray 
Qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaaladii shalay ka dhacay 
halkasi deegaano ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir kaasi oo u 
dhexeeyay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada Somalia oo isku dhan ah iyo 
xoogaga ka soo hor jeeda.
  Shabelle Media Network.Somalia.
   
    Qarax lagula eegtay Agagaarka Garguurte Gaari ay saaraayeen ciidamada 
Dowlada Somalia.  Submitted by wararka on Mon, 04/21/2008 - 12:09.         


  Muqdisho. 21. April .2008. (Sh.M.Network)- Qarax Miino ayaa maanta lagula 
eegtay Gaari ay Saaraayeen ciidamada Dowlada Somalia oo marayay Agagaarka Hotel 
GarGuurte ee Magaalada Muqdisho.
  Qarani ka dhacay hoteelkii Gar Guurte ayaa waxaa lala eegtay Gaari yar oo ay 
wateen Qaar ka Mid ah Ciidamada dowlada Somalia kasi oo aan la ogeeyn qasaaraha 
soo Gaaray Ciidamada Dowlada.
  Goobjoogayaal ku sugnaa halka ay miinada kula qaraxday Gaarigaasi ayaa ku 
waramaya in 3 askari uu dhawac ka soo gaaray qaraxasi ee maanta lala eegtay 
Gaarigasi ay saaraayeen Ciidamada dowlada.
  sidoo kale waxaa uu intaasi raaciyay Ninkasi in 
  Ma’ahn markii ugu horeeysay ee qarax sidan oo kale ah lala eegto Ciidamada 
Dowlada iyo Kuwa Ethiopia oo qasaare Geeystay.
  Shabelle Media Network.Somalia.

      
   Somali 







Muslims "must" unite all over the World
and pray for the appearance of al Mahdi (r.a.) the Saviour of mankind 
the descendent of Prophet Muhammed s.a.w.


       
---------------------------------
Looking for the perfect gift? Give the gift of Flickr!

Reply via email to